Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Gabagabada Shirka Jubbooyinka Ka Soo Qeyb-galli Doonaan Wufuud Calaami Ah.

0

abdishakuu cali mireMuqdisho (AGGM): Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in gabagabada shirka Jubbooyinka maanta ka soo qeyb-gali doonaan wafuud heer caalami oo ka kala socda QM iyo wadamada dariska.

Wasiir ku-xigeenka wasaarrada warfaafinta C/shakuur Cali Mire ayaa sheegay in gabagabada shirka dib-u-hishiisiinta Jubbooyinka kala soo qeyb-galli doonaan xubno ka socda wadamada dariska iyo waliba QM.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in gabagabada shirka laga soo saari doono ugu danbeytii war-murtiyeed lagu soo kooban qodobadii ka soo baxay doodihii sadaxda maalmood ay yeesheen ergada ka qeyb-qaadaneysa shirka.

Inkastoo shirka dib-u-hishiisiinta Jubbooyinka lagu wado in maanta la soo gabagabeeyo, ayaa haddana dhinaca kale marka aad eegto waxaa jirta mucaaradad xoogan oo uu shirku kala kulmayo siyaasiyiin iyo waliba waxgarad ka soo jeeda Jubbooyinka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com