R/wasaare Saacid “Mushaarka Ciidamada Lagama Sugi Doono Dowladdo Shisheeye.

0

IMG_5288Muqdisho (AGGM): R/wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dadaal dheeraad ah ku bixisay sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa tilmaamay in ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ay hadda awood u leeyihiin inay baaritaanno ka sameeyaan meel kasta oo ay doonayaan iyaga oo aan garab ka helaynin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa xusay in waqtitadii hore saadka ciidamada laga sugi jiray ciidamada AMISOM balse xiligaan wixii ka dambeeya ay xukuumadda Soomaaliya bilaabi doonto inay si toos ah u bixiso saadka iyo ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dhinaca kale sheegay in mushaarka ciiidamada dowladda Soomaaliya laga sugi jiray dowladdu shisheeye balse hadda wixii ka dambeeya mushaarka ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya ay bixin doonto xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Hadalka kasoo baxay R/wasaaraha dalka mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa imaanaya xilli ay dowladda Soomaaliya ku guulaysan wayday inay taageerro uga hesho qalabayta ciidamada Soomaaliya xubnaha Golaha Amaanka e Qaramada Midoobe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com