Ciidamada Dowladda Sacuudiga Oo Heegan Lagaliyay Iyo Ajaanibta Oo La Raafayo.

0

saudi tarxiilJeddah (AGGM): Ciidamada dowlada Sacuudiga ayaa heygan kii ugu dambeeyay waxay ugu jiraan Soo qab qabashada Ajaaniibta ku nool dalkaasi isla-markaana ay Soomaalida qeybta ka yihiin.

Amarkan ayaa kasoo baxay Wasaarada Arimaha Gudaha Sacuudiga oo ciidamada dalkaasi ku amartay inay Ajaaniibta dalkaasi ku nool kasoo saaraan goobaha ay iminka ku dhuumaaleysanayaan sida Xafiisyada, Goobaha Shaqada iyo Guryaha.

Ciidamada ayaa xalay bilaabay Howlgalka ka dhanka ah Soo galootiga Sacuudiga ku nool waxaana Somalida dalkaasi iminka lasoo daristay Cabsi aad u xoogan sida uu sheegay Cabdi Ibraahim oo ka mid ah Somalida dalkaas ku nool.

Wuxuu sheegay in Iminka ay Somalida ku nool Sacuudiga lasoo Deristay baqdin ku wajahan Raafkan ay bilaabayaan Ciidamada dowlada Sacuudiga e ka dhanka ah Ajaaniibta dalkaas ku nool.

” Maanta oo Isniin ah ayay si rasmi ah Ciimada Sacuudigu u bilaabayaan howlgalkooda waxaan ku jirnaa oo aan gabaad ka dhiganeynaa Xaafadaha iyo Guryaha dhexdooda, Laakiin waxay sheegeen inay Guri Guri u barayaan Xafadaha iyo goobaha Shaqada ” Ayuu yiri Cabdi Ibraahim.

Sacuudiga ayaa dhowaan si dac u sheegay inuusan aqbali karin ku noolaanshiyaha dalkiisa dadka aan sharciga heysan ama aan wakiilka laga aheyn waxaana jira Somali iyo Ajaanib badan oo si sharci la’aan ah dalkaasi ugu Nool.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com