Booliska Britain Oo Ku Raad Jooga Soomaali Lagu Eedeeyay Argagixisnimo.

0

mohamed TERRORLondon (AGGM): Booliska UK, gaar ahaan kuwa magaalada London, ayaa saacadihii lasoo dhaafay baadi goob xoogan ugu jiray Wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Mohammed Ahmed Mohamed, waxaana Wiilkaan uu ku jiray liiksa dad ay si gaar ah u daba joogeen Sirdoonka Britain, kadib markii looga shakiyay inuu Xiriir la leeyahay Kooxaha Aragagixisada ah.

Mohammed Ahmed Mohamed, oo 27 sano jir ah, ayaa in mudo ahba waxaa si gaar ah ula socday dhaqdhaqaaqiisa Ciidamada Sirdoonka UK, waxaana uu ka dhuuntay Jimcihii lasoo dhaafay, kadib Salaadii Khudbada Jimcaha.

mohamed terror1Wiilkan ayaa waxaa la sheegay in aragtidiisa ugu danbeysay marki uu galayay Masjid An-Noor Masjid and Community Centre, in Church Road, oo ku yaala xaafada Acton ee galbeedka magaalada London, saacaduna amrkaa ahayd 10.00 subaxnimo waxaana uu xirnaa Jaakad iyo sarwaal, waana lagu arkay gudaha Masaajidka.

mohamed terror 2CCTV-yada amaba Kameradaha amaanka waxaa ka muuqday isagoo galaya masjidka, markuu ka baxayayna isagoo xirnaa “Burka”.

Booliska ayaa dadka ku nool magaalada London waxa ay ku wargaliyeen haddii ay arkaan Mohammed Ahmed inay islamarkaaba wacaan Telefoonka 999.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com