R/wasaare Saacid Oo Sheegay Tirada Golaha Wasiirada Cusub Ee Uu Dhawaan Ku Dhawaaqi Doono.

0

Saacid-1Muqdisho (AGGM): Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ka dhawaajiyay tirada uu ka dhigayo Golihiisa Wasiirada Soomaaliya, iyadoo lagu wado in dhowaan is bedel lagu sameeyo Golaha.

Wareysi uu siiyay Telefishinka Universal ayuu sheegay in Golihiisa Wasiirada ay gaari doonaan ilaa 23-wasaaradood, si loo ballaariyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sanad ka hor uu ku saxsanaa in Golihiisa Wasiirada uu ka dhigo 10-wasiir kaliya.

“Ballaarinta Wasiirada waxay keeni doontaa in 23-wasaaradood wax la mid ah ayay noqonayaan, markii aan 10-wasiir magacaabeynay waa ku saxsaneyn”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku faanay inay maareeyeen khilaafaadka soo kala dhex geli jiray hey’adaha ugu sareeya dowladda, ee horay u ragaadiyay dowladihii hore.

“Hubaal waxa weeye dowladihii naga horeeyay ee sharafta lahaa wey dadaaleen, balse ma aysan maareyn tafaraaruqa hayay, anaga waxaa sare u qaadnay inaan maareyno ka hortagida in aan wax khilaaf ah hey’adaha dowladda u soo kala dhex galo, waxaan rajeynaynaa in 2016 inaan si wada jir ah u gaarno madaxdeena”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Hadalka ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya, xilli la hadal haayo is bedelka la filayo in lagu sameeyo Golaha Wasiirada, iyadoo ay maalmihii u dambeeyay ay jireen hadal heyn kala duwan oo ku saabsan isku shaandheynta lagu sameynayo Golaha Wasiirada.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com