Qarax Ka Dhacay Magaalada Kismayo Iyo Isgaarsiinta Oo Hawada Laga Saaray.

0

kismaayo21Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaray magalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax xooggan oo la sheegay in uu ahaa nooca miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa waxa uu maanta ka dhacay xaafadda Farjano gaar ahaan waaxda Siinaay.

Qaraxan oo daryankiisa laga maqlayay inta badan xaafadaha magaalada Kismaayo ayaa waxa uu ka dhacay illinka hore ee guri ay daganyihiin maleeshiyo ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, waxaana goortii uu qaraxu dhacayay goobta marayay gaadiid ay lahaayeen maleeshiyadaasi.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in uu soo gaaray firir, walow aan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee uu sababay qaraxa ayaa Horjooge ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa u sheegay warbaahinta in aysan wax qasaara ah oo kasoo gaaray weerarkaasi.

Dad ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in qaraxa uu dhaawac kasoo gaaray hal qof oo rayid ah oo marayay meel u dhow halka uu weerarku ka dhacay.

Weeararkan kadib ayaa qadar daqiiqado ah hawada laga saaray isgaarsiintii magaalada, waxaana sidoo kale goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, kuwaasoo howlgallo ka sameeyay goobta walow aysan jirin cid lagu soo qabtay howlgalladaasi.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay maalmihii ugu danbeeyay gudaha magaalada Kismaayo ka wadeen barakicin iyo hoowlagalo lagu bartilmaameedanayo dadka aan ku heeybta ahayn maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee ku sugan gudaha magaalada Kismaayo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com