Shirka Dib U Heshiisiinta Jubbooyinka Oo Galabta Ka Furmaya Magaalada Muqdisho.

0

top-newsMuqdisho (AGGM): Shirka Dib u heshiisiinta Jubooyinka ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta inuu ka furmo magaalada Muqdisho, iyadoo qaban qaabada shirkan ay iminka socoto.

Ergooyinka ka qeyb galeysa shirkan ayaa gelinka hore ee saaka imaaneysa magaalada Muqdisho, waxaana ay badankood ay diyaarad ka soo qaadeysa magaalada Kismaayo.

Inkastoo la filayay in ergooyinka ka qeyb geli lahaa shirka inay soo wada xaroodaan ayaa waxay taas dib u dhigtay diyaaradihii ka keeni lahaa Kismaayo, waxaana shalay diyaaradaha ay soo qaaday wafdigii Madaxweynaha ee Kismaayo joogay labadii maalmood ee u dambeeyay.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb geli doona dowladda Soomaaliya, Ergooyin ka socda Jubooyinka Gedo, xubno ka socda Beesha Caalamka oo goob joog ka noqonaya shirkan gelinka dambe ee maanta furmaya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gelinkii dambe ka soo laabtay booqasho hal cisho ah oo uu ku tagay Kismaayo ayaa la filayaa inuu furo shirka gelinka dambe ee maanta dhacaya.

Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ku soo wajahan magaalada Muqdisho si uu shirkan uga qeyb galo.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in shirkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay dadka deegaanada Jubooyinka, isagoo tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku furmayo.

“Shirkan sida ugu dhaqsiyaha badan ayuu ku furmi doonaa, waxaa fileynaa in dhamaan ay soo gaaraan Muqdisho ergooyinka, shirkan wuxuu ahmiyad gaar ah u leeyahay dadka deegaanada Jubooyinka, ujeedada waxay tahay in maamulada la dhiso, oo dhamaan dadka deegaanka iska dhex arkaan”ayuu yiri Eng. Yariisow.

Ajandaha oo qodobo badan ka kooban ayaa la filayaa in marka dhinacyada isku raacaan dib u heshiisiin la soo saaro khariirad ku saabsan dhismaha maamulka Jubba iyo dhameystirkiisa mudada labada sano ee soo socota.

Shirkan dib u heshiisiinta ayaa looga tashan doonaa aayaha deegaanada Jubooyinka, dib u heshiisiin iyo maamul loo dhan yahay, si meesha ay uga baxdo mushkilada ah looma dhamo.

Heshiiskii Addis Ababa ee bishii Agosto lagu saxiixay ayaa qeyb ka mid ah dhigayay in shir dib u heshiisiin lagu qabto magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com