Hogaamiyihii Taalibaan Ee Dalka Pakistaan Oo La Dilay

0

TALIBANIslamabad (AGGM): Laamaha amaanka Dalka Bakistaan iyo Xubna ka tirsan Ururka Taalibaan ayaa xaqiijiyay Geerida Hugaamiyahii Kooxda Taalibaan ee waqooyiga Bakistaan kaa oo duqeeyeen diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Dalka Maraykanka.

Xakiimullahi Mahzuud oo ahaa Hugaamiyahii Taalibaan ayaa la sheegay in gantaal lagu dhuftay gaari uu saarnaa asiga iyo lix kale waxaana la sheegay in dilkaa uu ka dhacay Gobalka Weziristaan ee waqooyiga Bakistaan goor danbe oo xalay.

Dhacdadaan ayaa waxaa ka xumaaday siyaasiin ka soo jeeda Dalka Bakistaan kuwaas oo sheegay in asbuucaan hoorantiisa lagu waday in wafdi Gobalka loo diro la kulmo Xubnaha Taalibaan si wada hadal dowlada Bakistaan ula gasho kooxahaan.

Waxa ayna siyaasiinta arintaa u arkaan mid curyaaminaysa dadaaladii Nabadeed ee ay wadeen si loo soo afmeero Colaada Dalkaa ka jirta waxana hugaamiyahaan la dilay xilka Hugaanka Taalibaan hayay muda shan sano ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com