Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay In Berri Uu Si Rasmi Ah U Furmayo Shirka Dib-u-hishiisiinta Jubbooyinka.

0

cabdishakuur cali mireMuqdisho (AGGM): Wasiir ku-xigeenka warfaafinta boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka ee xukuumada Soomaaliya C/shakuur Cali Mire islamarkaana ka mid ah gudiga qaban qaabada shirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirka uu qorshihiisa ahaa in gelinka dambe ee maanta uu furmo, uu dib ugu dhacay ilaa maalinta berri ah.

Wasiir ku-xigeenka ayaa xusay in ergada ka qeyb galaysa shirka ay intooda badan ku suganyihiin magaalada Muqdisho, ayna diyaar u yihiin in ay ka qeyb galaan shirka, isagoo intaa raaciyay in shirka uu berito si rasmi ah uga furmi doono Muqdisho.

“Waxaa uu qorshuhu yahay in maalinta berri ah shirku si rasmi ah furmo, ergooyinka way soo xaadireen oo qaar badan ayaa ka yimid jubbooyinka, wayna qaateen kaararkii ay shirka kaga qeyb geli lahaayeen, wax kale oo dhib ahna ma jiraan, sidaa darteed beri ayuu shirka furmi doonaa haddii uu Alle idmo” ayuu C/shakuur Cali Mire hadalkiisa ku daray.

Waxaa lagu wadaa in ilaa galinka danbe ee maanta ay soo gaaraan magaalada Muqdisho ergada oo la sheegay in ay qaarkood ka soo duulayaan magaalada Kismaayo, waxaana wararku sheegayaan in ergada ugu badan ka timid magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com