Iscasilaadda Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Ee Soomaaliya Oo Dhabarjab Weyn Ku Ah Madaxda Dawladda Soomaaliya.

0

yussur-abraarBarnaamijka New deal amma ay dawladda Somaliya ula baxday Hiigsiga cusub ayaa ah mid lagula dagaallamayo musuq maasuqa, isla markaana maamulka dalka lagu hagaajinayo, oo la rabo in lala xisaabtamo dawladda iyo hay’adaha deeqda loogu soo dhiibo shacabka.

Laakiin weli waxa maamulka Muqdisho hadheeyey boob ay madaxda dawladda qaarkood ka wadaan dalka. Shacabkana lagu marin hababainayo sheekooyin kale oo aan waxba ka tarayn baahidooda.

Inkasta oo ay magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobollada Somaliyaba ay ka soo raynayaan sidii hore, haddana waxa jira musuq maasuq aad u xooggan oo lagu hayo hantida qaranka.

Dhawaan waxa ay hay’adaha deeqda bixiyaa ay soo saareen warbixin lagu lafa gurayo sida ay deeqaha dalka loo fidiyaa ay ugu dhacaan jeebabka mas’uuliyiinta amma ay u garab maraan baahiyaha loogu tala galay ee ay qabaan shacabka Somaliyeed.

Warbixintaa oo dad badan lagu eedeeyey ayaa qaarkood ay ahaayeen kuwo waxba kama jiraan ah oo dhan kale loo leexiyey. Waxase ay galaafatay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyii Banka dhexe ee Soomaaliya mudane Abdisalaan Hadliye.

Laakiin waxa ceebtaa tu la mid ah ama ka daran loola yimid guddomihii dhawaan loo magaacabay Banka dhexe ee Somaliya Marwo Yusur Abrar, balse waxa ay ku guulaysatay in aanay ku dhicin dabinka ay u maleegeen qaar ka mid ah madaxda dawladda Somaliya.

Sidaasi daraaddeedna waxa ay go’aansatay in ay ka ruqsaysato mas’uuliyaddii ay dawladda u haysay iyadoo ku sugan dalka dibeddiisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com