Ciidamada Isra’iil Oo Duqeyay Xero Ciidan Oo Ku Taal Dalka Siiriya.

0

israel-jet_2362415bMuqdisho (AGGM); Diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil ayaa duqeeyey mid kamid ah dekkadaha magaalada Latakiya ee xeebta ku taal, halkaasi oo ay ku sugan yihiin qaar kamid ah Maraakiibta dagaalka ee dowlada Siiriya.

Duqeyntan ayaa la rumeysan yahay in lala beegsaday hub Gantaalada Cirka iyo Bada ah oo la sheegay in Ruushka geeyey wadanka Siiriya.

Dowladda Isra’iil ayaa diiday inay arrintan ka hadasho balse waa weerarkii sadexaad oo ay diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil ku qaadaan gudaha dalka Siiriya, bilihii Janaayo iyo May ayey Isra’iil duqeeyeen hub la sheegay in dowlada siiriya uu waday kooxda xisbuallah ee dagaalka ka dhaxeeyo Isra’iil.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com