Ciidamada AMISOM Oo Howlgalo Ka Sameeyay Gobollada Sh/dhexe Iyo Baay.

0

amisom-milateriMuqdisho (AGGM): Ciidamada midowgga Africa ee howlgalka AMISOM ayaa si wada jir ah saacadihii ugu danbeeyay howlgalo kala duwan uga sameeyay deegaannada ay saldhigyada ku leeyihiin Al-shabaab ee ka tirsan gobollada, Shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe iyo gobolka Baay.

War-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in howlgallada ay hoggaaminayeen ciidamada dowladda Kenya ee hoos tagga AMISOM, waxaana uu bar-tilmaameedku ahaa xerooyinka tababarka ee Al-Shabaab iyo deegaannada gobollada Baay, Shabeellaha hoose iyo Jubbada dhexe oo ay ku sugan yihiin horjoogeyaasha Al-Shabaab.

AMISOM ayaa sheegtay inay ujeeddadu tahay in la dhameystiro howlgalladii ay horay u wadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xooggaga kale ee isbaheysiga la ah si looga hortago in ay Al-Shabaab hesho xornimo ay ku dhaqdhaqaaqdo iyo in lagu yareeyo weerarro ay ku waxyeelleyso shacabka Soomaalida iyo dalalka gobolka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com