Ciidamada Amaanka Kenya Oo Xalay Ka Sameeyay Xaafadada Islii Howlgallo Lagu Qabqabanayo Soomaalidda.

0

kenya nairobi-soldiersNairobi (AGGM): Ciidamada Ammaanka ee dalka Kenya ayaa howlgal aad u xoogan oo ay ku qabqabanayeen Soomaalidda ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi waxa ay xalay ka sameeyeen xaafaddaasi.

Howlgalkani oo ahaa mid bilowday kaddib salaadii Maqrib ee xalay ayaa lagu qabqabanayay dhammaan dadka Soomaalidda ah ee deggan xaafadda Islii, iyadoo la arkayay ciidamada ammaanka oo istaajinaya gawaarida dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Qaar kamid ah Soomaalida ku nool xaafadda Islii oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa ka hadlay dareenkooda ku aaddan howlgalka, iyagoo dowladda Keny ka codsaday in ay joojiso howlgalka lagu bartilmaameedsanayo dadka Soomaalid ah.

Ilaa hada lana sababta xiligan ku soo beegay howlgalladan lagu raafayo dadka Soomaalidd ah, mana jirto wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Kenya oo ku aadan qabqabashada dadka Soomaaliyeed ee ku nool kana ganacsada xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com