Faroole Oo Kala Diray Baarlamaanki Puntland.

0

faroole1Garoowe (AGGM): Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta kala diray Baarlamaanka Puntland, maadaama waqtiga Baarlamaank auu ku ekaa maanta oo ah 31-Bisha October.

Kulan ka dhacay xarunta Baarlamaanka Puntland oo uu kasoo qeybgalay Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa halkaasi waxaa lag aqriyay wareegtada lagu kala diray Baarlamaanka.

Axmed Ceydiid oo kamid ah xafiiska Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa warqada wareegtada ah ee lagu kala diray Baarlamaanka ka aqriyay xarunta Baarlamaanka.

Madaxweynaha Faroole oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa umahadceliyay Xildhibaanada Puntland mudadii ay soo wada shaqeynayeen.

Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xersi ayaa halkaasi dhankiisa ka sheegay in laga rabo tixgelin siinta Baarlamaankii hore Puntland, maadaama shaqada ay aqoon uleeyihiin.

Isku soo wada duuboo Puntland ayaa sanadka cusub waxaa ka dhacaya doorashooyinka Madaxtinimada Puntland, iyadoo inta ka horeysay xilligaasi lasoo xulayo Baarlamaanka, isimada Puntland ayaa soo xulaya xubnaha Baarlamaanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com