Daawo Sawirada: Ganacsato Soomaali Ah Oo Qasaaro Ka Soo Gaartay Rabashado Ka Dhacay Cape Town.

0

solCape Town (AGGM): Banaan baxaan ayaa waxaa dhigayay dadweyne fara badan oo koonfur Afrikaan ah kuwaa oo ka kala yimid deegaanada tuulooyinka ah ee hoos yimaada magaalada Cape Town ee Dalka koofur Afrika kuwaa oo ka Cabanayay Guryo la’aan ka jirta deegaanada ay ku nool yihiin.

Dadka oo markii hore isugu soo baxay iridka hore ee aqalka looga arrimiyo maamulka gobolka Westren Cape ee magaalada Cape Town ayaa markii dambe waxa ay isku badashay xaalada mid qalalaase iyo fowdo ah,kadib markii ay goobta soo gaareen dad ka tan badan kuwii loogu tala galay in ay banaan baxa ka qeyb qaataan waxaana xaalada ay noqotay mid boob iyo bililiqo isku badashay.

Durbadiiba waxaa la kala qaatay miisaska ganacsiga ee yaala hareeraha wadooyinka magaalada oo ay ku ganacsadaan dadka danyarta ah waxaana u badan dhalinyaro soomaali ah iyo kuwa ajaanib ah. iyadoo miisask la boobay lagu qiyaasay 13 miis oo ay lahaayeen dhalinyaro soomaali ah.

Ciidamada booliska ayaa durbadiiba bilaabay in ay xakameeyaan rabashadaha waxaana la xeray goobaha ganacsiga ee waa weyn iyo shirkado ganacsi oo ku yaalay gudaha magaalada,waxaana sido kale la gooyay jidadka waa weyn oo la soo dhoobay ciidamo boolis ah oo isku gadaameen xarunta gobolka.

Waxaa Jira Dhalinyaro badan oo soomaali ah oo jirdilo ay u geysteen dadkii dhigayay banaan baxyada kuwaa oo qaar kood la geeyay goobaha cafimaadka ee magaalada Cape Town.

sol

sol1

sol7

sol6

sol3

sol2

sol5

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com