Ciidamo Gaaraya 4,000 Oo Askari Oo La Filayo In Lagu Soo Kordhiyo Ciidamada AMISOM Ee Ku Sugan Soomaaliya.

0

AMISOMMuqdisho (AGGM): Waxaa la filayaa in lagu soo kordhiyo ilaa 4,000 oo askari howl-galka midowgga Africa AMISOM, kadib markii uu sidaa ka dalbaday gollaha amaanka QM ku-xigeenka xog-hayaha Jan Eliasson.

Dalbashada ciidamada dheeraad ah ee lagu kordhiyo ciidamada AMISOM ayaa la leeyahay waxaa ay ka danbeysay kadib markii ay sheegteen Al-shabaab in ay ka danbeeyeen ama mas’uuliyadiisa lahaayeen weerarkii lagu qaaday dhismaha ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi.

Golaha ammaanka ee QM ayaa la filayaa inay ansixiyaan 4,000 oo askari oo dheeri ah oo lagu kordhin doono ciidanka AMISOM labada sano ee soo socota , si loogu guuleysto dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Tirada guud ee AMISOM ayaa la rajeynayaa in dhowaan la gaarsiiyo 22,000 oo askari.

Fadhigii shalay ee gollaha amaanka QM ayeey uga wada hadlleen arrimaha Soomaaliya ayaa lagu soo qaaday taageerada ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

18,000 oo askari oo ka socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti, Sierra Leone iyo Nigeria ayaa hadda ka qeyb qaadanaya howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com