Xog Lahelay: 4 Kamid Ah Gudiga Farsamada Shirka Dib U Heshiisiinta Jubbooyinka Oo La Xaqiijiyay Inay Ka Tirsan Yihiin Sirdoonka kenya.

0

top-newsMuqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in maanta kulan ay isgu yimaadeen Gudiga Farsamada Shirka Dib U Heshiisiinta Jubbooyinka ay u fadhiisteen 8 matalaya horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo 8 matalaya madaxweeyne ee ka soo horejeeda.

Sideeda ruux ee matalayay Madaxweeyneyaasha kasoo horjeeda horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa ay dhamaantood isugu jireen saraakiil iyo  aqoonyahano ku taqasusay siyaasada iyo xiriirka caalamiga, halka sideeda ka socotay horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay 4 kamid ahaayeen isbatooreyaal ka tirsan sirdoonka Militariga dowladda Kenya.

Shirka markii uu biloowday ayaa waxaa dhacday in 8 Ruux ee ka socotay garab maleeshiyo beeleedka Raaskambooni in ay shirkii maanta ee gudiga Farsamada shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ay isaga baxeen hoolki shirka.

Warar si hoose ay ku heshay warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay sheegayaan 8-dan ruux ee maanta isaga baxday shirka inay afar kamid ah ahaayeen kuwo aan aqoon sida loo qoro amaba loo akhriyo Af Soomaaliga, waxaana la xaqiijiyay inay ka tirsan yihiin Sirdoonka Miltariga Dowladda Kenya oo uu magaalada Muqdisho u soo dirsaday Nuuradiin Xaaji Yuusuf oo ah madaxa Sirdoonka Militariga dalka Kenya.

Warka ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in la filayo 8-dan ruux ee ka socday  garabka maleehsiyo beeleedka Raaskambooni ay beri shirka Gudiga Farsamada dib ugu soo laaban doonin oo ay dib ugu laaban doonaan magaalada Kismaayo, kadib marki uu horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ku amray iany isaga soo baxaan shirka.

Isku soo wada duuboo waxaanu dhoowrnaaba waa halka uu saldhigto shirka u socda Gudiga Farsamada ee Shirka Dib U Heshiisiinta Jubooyinka amaba aan dhahno’e natiijada kasoo baxda.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com