Uganda Oo Xabsiga Dhigtay Saraakiil Iyo Askar Ka Tirsaneyd Ciidamadeeda Ku Sugnaa Soomaaliya.

0

AMISOM-On-PatrolKampala (AGGM): Dowladda Ugand ayaa lagu waramayaa in ay xabsiga dhigtay ugu yaraan 40 isugu jiray saraakiil iyo ciidamo ka tirsanaa howlgalka midowgga Africa AMISOM ee Soomaaliya, kuwaa oo lagu eedeeyay falal isugu jiray xatooyo iyo waliba musuq-maasuq.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ragga xasbiga la dhigay uu ka mid yahay taliyihiin ciidamada Uganda, iyadoo qaar ka mid ah ciidamada lagu eedeeyay in ay xadeen hub iyo waliba saanad kale oo loogu talagalay cidamada.

Kol hore ayeey aheyd markii saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada Uganda ee hoggaaminaya howgalka AMISOM ee Soomaaliya lagu eedeeyay inay ka xadeen sldhigyada ay Soomaaliya ku leeyihiin, hub iyo rasaas la sheegay in laga iibiyay Al-shabaab iyo sidoo kale raashin iyo shidaal.

Dalka Uganda ayaa waxaa ka socda inta badan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo tiradoodu tahay 17,000 oo askari. Howlgalka ayaa usha u haya Jen. Andrew Guti. Waxaase dadka la xiray ku jira taliyihii ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku sugan, Michael Ondoga.

Brig. Dick Olum oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Uganda ayaa sheegay in arrintaan uu aad uga argagaxay, isagoo yiri. “Tani ma ahan dariiqii lagu sugi lahaa ammaanka Soomaaliya. Waana ku faraxsanahay in baaritaanka uu soo dhammaaday.”

Madaxweynaha dalka Uganda oo ah taliyaha guud ee ciidanka dalka Uganda ayaa si adag u cambaareeyay arrintan, wuxuuna ku tilmaamay fadeexad weyn oo ku dhacday ciidamadooda howlgalka u jooga Soomaaliya.

Ciidamada dalka Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxay in dhawaale ka cabanayeen saraakiisha hoggaamisa, waxayna qaarkood sheegeen in la siiyo inta badan raashin aan wanaagsanayn.

Afhayeenka milateriga Uganda, Col. Ankudna ayaa sheegay in madaxweyne Yoweri Museveni uu la kulmay intii uu baaritaanka socday qaar askarta dalka Uganda ka socda ee Soomaaliya ku sugan, si uu wax uga ogaado xatooyada la sheegay inay ciidamada iyo saraakiisha la xiray ku kaceen.

Labadii sano ee lasoo dhaafay ayay ciidamada ka socda dalalka Burundi iyo Uganda waxay Al-shabaab la galeen dagaallo culus, iyagoo ka qabsaday inta badan deegaannada Koonfurta Soomaaliya ku yaalla oo ay ku jiraan kuwo muhiim u ahaa kooxda.

Ugu dambeyn, Col. Ankunda ayaa sheegay in ciidamadan iyo saraakiisha la xiray lasoo taagi doono maxkamad milateri laguna ciqaabo doono gefka ay ku kaceen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com