Madaxa Sirdoonka Mareykanka Oo Difaacay Dhageysashada Telefoonada Madaxda Dowladdaha Caalamka.

0

James-Clapper-jpgWashington DC (AGGM): Sirdoonka Mareykanka ayaa difaacay sababta ay u basaasayaan, una dhageysanayaan taleefanada madaxda dalalka kale ee caalamka, iyadoo arrintan uu muran weyn ka dhex dhaliyay dalalka xulafada la ah Mareykanka.

Madaxa Hey’adda Sirdoonka Mareykanka James Clapper ayaa sheegay in waxa ay u basaasayaan madaxda ay tahay in la ogaado sida ay u fikirayaan, isla markaana muhiim u tahay dadka dejiyo siyaasada Mareykanka.

Dowladaha reer Yurub ayaa ka carooday Taleefanada ay dhageystaan Sirdoonka Mareykanka, kadib markii la helay la dhageystay Taleefanada Madax badan oo reer Yurub ah.

Hey’adaha Sirdoonka Mareykanka ayaa laga fili karin inay bixiyaan wax cudur daar ah oo la xiriira sababta ay u basaasayaan dalalka kale

Ninka baxsadka ah ee horay uga tirsanaa Sirdoonka Mareykanka Edward Snowden ayaa bixiyay qoraalo sir ah oo ku aadan sida ay u baasayaan Sirdoonka Mareykanka
Haweeneyda hogaamisa Jarmalka ayaa aad uga carootay dhageysiga taleefankeeda oo muddo 10-sano ay dhageysanayeen Sirdoonka Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka raali geliyay Jarmalka, isagoo ku dhawaaqay in dib u eegis lagu sameynayo qaabka ay Sirdoonka wax u basaasaan.

Arrintan ayaa gil gishay xiriirka u dhaxeeya Mareykanka iyo dalal badan oo reer Yurub ah, kadib markii la helay warbixino sir ah oo sheegayay madax badan oo taleefanadooda la dhageysto.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com