Daawo: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Ku Soo Laabtay Dalka.

0

xamar madaxMuqdisho, 30 October 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa maanta ku soo laabtay Muqdisho ka dib safar hal maalin ah oo uu ku tegey dalka Turkiga oo uu Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga kula soo kulmay, isla markaana khudbad taariikhi ah ka jeediyey xafladda sanadguurada 90aad ee markii la aasaasay Jamhuuriyadda Turkiga.

Madaxweynaha ayaa Madaxda Turkiga kala hadlay xiriirka qotoda dheer ee labada dal iyo sida uu ugu faraxsanyahay doorka hoggaamineed ee Turkigu ka qaateen arrimaha Soomaaliya iyo mashaariicda baaxadda leh ee ay ka fulinayaan Soomaaliya sida waxbarashada, caafimaadka, iyo dib u dhiska dalka. Madaxweynahu waxuu ku dhiiri geliyey in Turkiga ay hanteen kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan inay sii kordhiyaan taageeradooda. Madaxda Turkiga ayaa sheegtay inay ka go’antahay taageerada iyo is-garab istaagooda.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgalay xafladda 90 guurada markii la aasaasay Jamhuuriyadda Turkiga, isla markaana halkaas ka jeediyey khudbad taariikhi ah oo uu shacabka Turkiga ugu sheegay sida ay shacabka Soomaaliyeed ugu qanacsanyihiin taageerada Turkiga.

Madaxweynaha ayaa shalay ka hadlay shirka muhiimka ah ee maanta oo bishu tahay 30 October ka dhacaya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo looga hadlayo sidii loo taageeri lahaa ciidanka Dowladda. Madaxweynahu waxuu yiri “Waxaan ka codsaneynaa Golaha Ammaanka inay soo saaraan qaraar cad oo qeexaya in ciidamada dowladda laga taageero dhinacyada logistikada, mushaaraadka, caafimaadka, iyo hubka fud-fudud si Al-Shabaab looga saaro dalka oo dhan. Waxaana sugeynaa in Golaha Ammaanka ay tixgelin weyn siiyaan fikirkan saliimka ah oo ka yimid dowladda Soomaaliya isla markaana ay taageereen Midowga Afrika, isla markaana Xoghayaha Guud ee QM uu isna taageeray.”

Madaxweynaha oo la socday diyaarada Turkish Airlines ayaa diyaaradda gudaheeda gacan qaaday shacabkii saarnaa isla markaana dhageystay tallooyinkooda.

xamar madax xamar madax1 xamar madax2

—DHAMAAD—

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com