Ciidamada Amaanka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Taliyihi Hore Ee Ciidamada Asluubta Oo Horey Loogu Xukumay Xabsi Daa’in.

0

Cabdi-Maxamed-IsmaaciilMuqdisho (AGGM): Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta Soomaaliya, kaasoo sanad ka hor Maxkamada ciidamada qalabka sida ay ku xukuntay Xabsi daa’in.

Sida ay sheegayaan wararka Cabdi Maxamed Ismaaciil oo laga xayuubiyay darajada ciidan ee Jenan, kadib markii uu ku kacay qiyaano qaran ayaa la sheegay in ciidamada ammaanka ay muddo ku daba jireen.

Taliyaha hogaanka dambi baarista Soomaaliya ee CID ayaa sheegay in qeybaha kala duwan ee ciidamada ay ku daba jireen sarkaalkan horay uga tirsanaa Ciidamada Asluubta, kadib markii uu horay u baxsaday.

Taliyaha ayaa sheegay in gurigiisa laga helay Laptop iyo taleefano, isla markaana lagu haayo mid ka mid ah saldhigyada ciidan ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkan uu si qarsoodi ah uu aaday Gobolada Waqooyi, ka hor inta aysan Maxkamada ciidamada qalabka sida ku ridin xukun xabsi daa’in ah.

Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay sii deynta rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku xirnaa xabsiga dhexe, kuwaasoo qaarkood dil toogasho ku xukunaa.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan xabsiga dhigay saraakiil ka tirsan ciidamada Asluubta oo uu ku jiro Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, oo loo heystay rag laga sii daayay Xabsiga oo dambiyo kala duwan ku eedeysnaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com