Dhagayso: Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka Oo Hadlay Duqeynta Lagu Dillay Horjoogeyaasha Ka Tirsanaa Al Shabaab.

0

WASIIRKA-ARIMAHA-GUDAHAMuqdisho (AGGM): Wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka qaranka xukuumadda federaalka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed yaa ka hadlay duqayn shalay laga fuliyay deegaan dhanka barre ka xigay degamada Jilib, wasaiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka warqabtay weerarka ay diyaaraddu ku qaaday saraakiil ka tirsan ururka Alshabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in weerarkaas lagu qaarijiyay sarkaal ka tirsanaa ururka Alshabaab oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cali Cabdi oo ku magacdheeraa Anta Anta, wuxuuna wasiirku xusay in sarkaalkan uu ururka Alshabaab u qaabilsanaa samaynta Miinooyinka.

Waxaa uu intaa ku darray wasiirrka hay’addaha amaanka ee dowladda Soomaaliya ay in muddo ah ku raadjoogeen sarkaalkan, wuxuuna wasiirku shaaca ka qaaday in sarkaankan uu qatar muuqata ku ahaa nolosha shacabka Soomaaliyeed.

‘’Howlgalka lagu dillay saraakiisha ka tirsan Al-shabaab waa mid muhiimad gaar ah leh, waayo ninka lagu magacaabo Ibraahim Cali Anta Anta waxaa uu mas’uul ka ahaa geerida dad badan oo Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan,’’’ ayuu yiri wasiir Guuleed.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka qaranka xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ugu hanjabay saraakiisha ururka Alshabaab inaysan ka badbaadi doonin Hay,adaha amaanka dowladda Soomaaliya.

Halkan Guji Kana Dhagayso Wareeysiga Wasiirka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com