Horjoogeyaal Ka Tirsanaa Falaagada Al Shabaab Oo Duqeyn Lagu Dillay Dulleedka Magaalada Jilib.

0

Dec. 17 airpower summary: Reapers touch enemy forcesMuqdisho (AGGM): Diyaaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ayaa howlgal ay ka fuliyeen meel dulleedka ka ah degmada Jilib gobolka Jubada dhexe ee koonfurta dalka Soomaaliya waxaa ay ku dilleen labo sarkaal oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.

Sida ay warbaahinta u sheegeen dad ku sugan degmada Jilib labada sarkaal ayaa ku safrayay gaari ay la socdeen dulleedka degmada Jilib waxaana gantaal ku riday sida la sheegay diyaarada nooca wax basaaso ah oo loo yaqaan Drones-ka.

Gabi ahaanba waxaa la sheegay in gaariga ay la socdeen labada sarkaal ee ka tirsanaa Al-shabaab uu bur buray, waxaana halkaa ku dhitay saraakiishii la socday gaariga la weeraray.

Mid ka mid ah labaad sarkaal ee weerarka lagu dillay ayaa sheegay in lagu magacaabi jiray Ibraahi Cali [Anta-anta] oo uga mas’uul ahaa Al-shabaab weerarada ismiidaaminta ah iyo waliba abaabulka qaraxyada.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca horjoogayaasha Al-shabaab oo ku aadan weerarka la sheegay in lagu dillay saraakiisha ka tirsanaa kooxdooda.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com