War Cusub: Faroole “Musharaxiinta Ila Tartamaysa Ma Sameysan Karaan Ciidan Ilaalo Unoqda”.

0

faroole1Garoowe (AGGM): Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa udiiday musharaxiinta kula tar-tamaysa xilka madaxtinimada maamulka Puntland inaysan sameysan karin ciidan gaar ah oo ilaalo unoqda.

Faroole wuxuu sheegay inaysan ogolaan doonin hadii ay yihiin masuuliyiinta maamulka Puntland in ciidan beeleed iyo hub badan ay soo kaxeystaan musharaxiinta u taagan qabashada hogaanka Maamulka Puntland.

“Ma ogolaaneyno ciidan beeleed iyo hub badan oo tikniko saaran cidii doonaysa ammaan dheeraad ah anaga ayaa sugeyno ammaankeeda oo balan qaadeyno”Ayuu yiri Dr Faroole.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in maamulka Puntland uu leeyahay sida uu yiri cadoow gudaha ah iyo mid dibada ah, sidaasi awgeedna larabo xaqiijinta ammaanka deeganada Puntland.

“Puntland waxa ay leedahay cadoow gudaha ah iyo mid dibada ah, waxa ay sidoo kale Puntland leedahay cadoow siyaasadeed meeshaan aan joogno baryo kuma joogno Allah fadligiis iyo awoodeyna ayaan ku joognaa”Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha Maamulka Puntland Faroole.

Sanadka cusub bisha Koowaad ayaa waxaa lagu wadaa in deeganada maamulka Puntland ay ka dhacdo doorashooyinka madaxtinimada maamulka Puntland oo siyaasiyiin kala duwan ay ku tartamayaan.

Faroole ayaa caqabad uga dhigaya musharaxiinta la tar-tamaysa inaysan hub qaadan karin oo ammaanka musharaxiinta uu maamulka balanqaadayo, inkastoo ay xusid mudan tahay in Faroole qudhiisa dadka tartamaya uu ku jiro.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com