Mas’uul Ka Tirsan Universal TV Oo Sheegay In Geerida Tima-cadde U Heystaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

0

timadacadeMuqdisho (AGGM): C/llaahi Kulmiye Xiris oo ah madaxa TV-ga Universal ee bariga iyo bartamaha Africa oo ka hadllayay maalintii shalay aaskii alle ha u naxariisteen wariye Max’ed Max’uud Tima-cadde oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerar ay ku qaadeen kooxo hubeysan, ayaa sheegay in geerida wariyaha u heystaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dowladdu ay dhabarka u ridatay ama ballan-qaaday, ammaanka wariyeyaasha iyo shacabkeeda, iyaguna aysan ku qanci doonin oo keliya in la cambaareeyo, laakiinse ay doonayaan inay dowladdu gacanta ku soo dhigto kuwii dilka wariyaha geystay.

Waxaa uu sheegay C/llaahi Kulmiye in marnaba aan laga yeeli doonin dowladda federaalka Soomaaliya in ay cambaareyso oo kaliya marka ay dilal dhacaan, islamarkaana aan looga hari doonin sida uu hadalka u dhigay geerida Tima-cadde.

Marxuum Maxamed Maxamuud (Tima-cadde) ayaa u geeriyooday habeen hore dhaawac ay u geysteen kooxo hubeysan Tallaadadii lasoo dhaafay xilli uu ku socday goobtiisa shaqada, iyadoo kooxaha dhaawiciisa geystayna ay goobta ka baxsadeen.

“Wallaahi kuma qancaynno cambaareyn laga sheego warbaahinta oo keliya, oo welina aan ognahay inaysan iyagu qorin ee ay qoraan xoghaynnadooda, balse waxaan ka doonaynaa madaxda dowladda iyo hay’adaha amniga inay sharciga horkeenaan kuwii ka dambeeyay dilka wariyaha,” ayuu Kulmiye ku sheegay hadalkiisa.

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay siweyn u cambaareyneyso dilka loo geystay wariye Max’ed Max’uud Tima-cadde oo kooxo hubeysan 22-kii bishan ku toogteen degmada Wadajir gobolka Banaadir.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com