Magaalada Jowhar Oo Go’doon Ah Kadib Markii Uu Ku Fatahay Wabiga Shabeelle.

0

fatahaadJowhar (AGGM): Waxaa kala go’an oo aan xiligan wax xiriir ah laheyn magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, kadib markii ay magaalada Jowhar hareereeyeen fatahaada wabiga Shabeelle oo kala gooyay wadada isku xirta Muqdisho iyo magaalada Jowhar ee xarunta u ah gobollka Shabeellaha dhexe.

Doon ayay dadka raacaan marka ay gaaraan agagaarka deegaanka Garaash Buula Garaam oo qiyaasti Jowhar u jira ilaa 5-4KM, waxaana doonta ay geysaa afaafka hore magaalada, ugu yaraan waxay qaadataa nusa saac ama hal saac, marka loo eego baaxada biyaha iyo wadada qaar oo boholo ah, lagana cabsado in doonta ay qalibmato.

Laakiin haddana safarka Doonta ma’aha mid wal wal iyo cabsi la oo dadka waxaa ay siweyn uga baqaan in ay dhibaato kala kulmaan Yaaxyo faro badan oo sida la sheegay soo raacay biyaha wabiga iyo waliba bahalo kale oo ay ka mid yihiin masaska.

Doomaha ka shaqeeya biyaha dhaxdooda ayaa ah kuwo dadka isaga kala gudbinaya wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho, iyaga oo marka ay dadka geeyaan meel ka baxsan biyaha dib uga soo laabtay.
Qiimaha Doonta lagu raaco ayaa ah $2 oo u dhigan tahay lacag dhan 40-kun shilin Soomaali, waxaana laga yaabaa in qiimaha uu ka sii bato, maadaama ay Hal doon kaliya ka shaqeyso wadada.

Doontan ayaa waxaa raaca dad u dhaxeeya 10-15, si aanay culeys u fuulin, miiskana u lumin, islamarkaana aysan u qalibmin sida uu Jowhar.com u sheegay naaquudaha doonta kaxeeya.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax laga qabtay fatahaadaha oo wali sii socda, hey’adaha sama falka ayaa gaarin deegaanada fatahaadaha saameeyay, halka maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe uu wax ka qaban waayay.

Waxaana dadka ku dhaqan gobollkaas siweyn uga xumaadeen gurmad la’aanta dhinaca dowladda oo ku muuqata mid sheeda sare uun ka daawaneysa sida ay u dhiibaateysan yihiin dadka ku dhaqan gobolka Shabeellaha dhexe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com