Qabanqaabada Shirweyne Loogu Magac Daray Midnimo One Oo Ka Socda Gobolka Gedo Iyo Siyaasiyiinta Beesha Sade Oo Bari Ku Soo Wajahan.

0

SHIRKABaledXaawo (AGGM): Gobolka Gedo ee dhaca Konfur Galbeed Somalia ayaa waxaa si xowli ah uga socda Shirweyne lagu magacaabay Midnimo one kaas oo ay ka soo qayb galayaan Siyaasiyiinta Odayaasha Dhaqanka Aqonyahanada iyo qurbajoogta beesha Sade.

Shirkaan ayaa waxaa uu gobolka gedo ka bilaabanayaa dhamaadka bishaan Octobar waxaana ergadi ugu horaysay ay maalinta bari ah ka kala imanayaan Dagmoyinka Gobolka Gedo iyo waliba Magaalada Muqdisho oo uu ka so baxayo wafdiga ugu culus kaas oo ay ka mid yihiin .

Gudomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil

Gudomiyaha Ahlusunnada Konfureed Sh Maxamed Aw-libaax.

Ex Xildhibaan Maxamuud Sayid Adan

Gudomiyaha Dagmada Garbaharey

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Gobolka Gedo

Odayaasha dhaqanka gobolka Gedo ee ku sugan Magaalada Muqdisho Aqoonyahano iyo waxgarad kale waxaana wafdigaasi magaalada Muqdisho bari subax ka soo racayaan diyaarad qaas ah .

Shiikh Maxamed Aw-libaax oo ka mid ah Gudiga Shirkaasi oo si kooban uga hadlay Ujeedada Shirka Midnimo One ayaa waxaa uu sheegay in wajiga kowaad lagu xalin doono xisadii ka taagnayd Balad xaawo ayado wajiga labaad uu noqon doono midka ugu muhiimsan socona doono mudo waxaana loga tashanaya ayaha Gobolada Beesha ay sida goonida ah u dagto iyo kuwa ay wax ka dagto sido kale waxaa isla shirkaani loga tashanaya dhamaystirka Maamulka Gobolka Gedo iyo go,an ka qaadashada Shir bilowga bisha soo socota ka dhacaya Magaalada Muqdisho oo loga hadlayo arimaha Jubboyinka.

Shirweynaha Midnimo One ayaa waxaa uu noqonaya Midki ugu balaranaa oo gobolka Gedo ka dhaca 10 ki sano ee ugu danbaysay kaaso oo laga tashanayo Mustaqbalka Siyaasadeed iyo mid Maamul ee Beesha Sade.

Muuse Abdi Saciid
Baladxaawo- Somalia

Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com