Muqdisho (AGGM): Xarun cusub oo ay yeelato Maamulka dagmada Dharkeenleey ayaa waxaa maanta xariga kajaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo ay wehliyaan qaar katirsan masuuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir.
dhismaha cusub ee xarunta maamulka dagmada Dharkiinley oo ah mid ku cusub gudaha dagmadaasi, oo xiligii dowladdii dhexe dalka ay kajirtay xitaa aanan jirin xarun maamulka dagmada uu ku shaqeeyo ayaa waxaa Maamulka Gobolka Banaadir u suura gashay hirgelinta dhisamha xaruntaasi.
boqolaal dadweynaha dagmada ayaa isugu soo baxay gudaha xarunta dhisamaheeda xariga laga jaray ee Dharkinleey, iyadoona ay cod dheer ku soo dhaweeyeen dhisamaha xaruntaas oo noqoneysa mid loogu adeego shacabka.
ugu horeyn waxaa goobtaasi hadalo mahadcelin ubadan ka jeediyay Guddoomiyaha dagmada Dharkinleey mudane Macalin Cabdulle Cali Hilowle. isagoona ku nuux nuuxsaday in dadka dagmadaasi ay si aan kala har laheyn uga mahadcelinayaan dhismaha xaruntaas oo uu maamulka Gobolka Banaadir hirgeliyay.
sidoo kale inta ay munaasabaddaasi socotay waxaa sugaan guubaabo u badan halkaasi ka qaaday kooxda Waabari, iyo barbaarta Gaashaaman ee degmada Dharkinleey.
gunaanudkii munaasbadda xariga looga jaraayay xarunta Maamulka dagmada Dharkeinleey ayaa waxaa hadalo qiimo badan ka soo jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo dadka dagmadaasi kula dardaarmay adkeyta iyo taaba gelinta dariseynta oo ah mid amniga iyo horumarka dagmada Dharkiinleey wax weyn ka tari karta.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay uga hirgeliyay dhamaan dagmooyinka gobolka dhisme xarumo loogu adeego dadweynaha iyo goobo ay dhalinyarada dagmo kasta ku ciyaraan qeybaha kala gadisan ee Sports, ka waxaana taa barbar socotay qeybinta kubadda cagta oo ah nooc casri ah oo horay aan dalka u imaan.
Xafiiska Warfaafinta maamulka Gobolka Banaadir
Mogadishu-Somalia.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com