Xog Lahelay: Beesha Sade Oo Kalsoonida Kala Laabanaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

0

xog1Xog Lahelay: War si hoose ku soo gaaray Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay sheegayaan in dhawaan la filayo in Beesha Sade ay kalsoonida kala laabato Dowladda ay hogaamiyaan Xasan Sheekh Iyo R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

Warkan ayaa intaas waxa uu ku darayaa inay u socdaan shirar hoose qeybaha kala duwan ee beesha Sade, sida la sheegayana dhawaan waxa ay soo saarayaan warsaxaafadeed ku saabsan kala laabashada kalsoonida Dowladda Soomaaliya.

Goobjooge ka qeeybgalay kulankan ayaa waxa uu si hoose ugu sheegay warbaahinta Allgalgaduud Media in go’aanka beesha ay dhawaan soo saari doonaan uu noqon doono mid ay ku muujinayaan Hagardaamada ay beesha Sade u maleegeen Madaxweeyne Xasan Sheekh iyo R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon sidaa awgeedna beesha Sade ay kalsoonida kala laaban doonto Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ay soo saari doonaan Waxgaradka iyo Aqoonyahanada beesha Sade ayaa waxaa baaq loogu diri doonaa dhamaan Saraakiisha Milatariga iyo Ciidamada u nasab sheegta beesha Sade ee ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolada Dalka, baaqaas oo ah inay si deg deg ah u soo baneeyaan furimaha ay ku jiraan kuna soo laabtaan deegaanadooda.

Dhinaca kale goobjoogahan ayaa hoosta ka xariiqay in beesha Sade ay ka go’an tahay xataa haddii laga fursan waayo inay dagaal ka dhan ah dowladda gasho ay galayaan qof yuusan ka harine.

Isku soo wada duuboo sida goobjoogahan sheegay beesha Sade ayaa waxa ay aad uga careesan Qiyaamada iyo Lugooyada ay ku sameeyeen Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon taas ayaana sababeeysa in beesha Sade kalsoonida kala laabato Dowladda Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com