Laba Iyo Toban Ruux Oo Soomaali Ah Oo Lagu Xiray Uganda

0

xabsiKampala (AGGM): Hay’adaha ammaanka ee dalka Uganda oo wada howlgallo lagula dagaallamayo musuqmaasuqa ayaa xabsiga u taxaabay in ka badan 12 qof oo Soomaali ah.

Dadka la xiray ayaa loo haystaa eedo ku saabsan inay ku lug leeyihiin musuqmaasuq iyo wax daba marin.

Xubnaha guddiga sare ee jaaliyadda Soomaalida ah ee ku nool Uganda ayaa wada dedaallo la doonayo in lagu soo daayo dadkaas.

Toddobaadkii hore ayaa hay’adaha nabad-sugidda iyo la-dagaallanka argagixisada waxay kulan la yeesheen xubnaha guddiga sare ee jaaliyadda Soomaalida ee dalka Uganda, iyagoo kala hadlay in ay Soomaalidu la shaqeyso hay’adaha amniga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com