Dowladda Kenya Oo Shaqadii Ka Fariisisay Saraakiil Ka Tirsan Laanta Socdaalka Dalka Kenya.

0

Interior-Cabinet-Secretary-Joseph-ole-LenkuNairobi (AGGM): Dowladda Kenya ayaa shaqadii ka fariisisay ilaa 15 sarkaal oo ka tirsanaa saraakiisha ugu sareysa laanta socdaalka dowladda Kenya, waxaana sidaa ku dhawaaqay wasiirrka arrimaha gudaha dalka Kenya Joseph Ole Lenku

Saraakiisha shaqada laga eryay ayaa lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah aqoonsi u siiyeen dad ajnabi oo aan markii horeba sharci ku soo gallin gudaha dalka, kuwaasoo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada.

Wasiirrka ayaa sheegay in saraakiishan maxkamad la horgeynayo, isagoo dhinaca kale sheegay in saraakiil cusub oo dowladda ka tirsanaa ay ka hawl-geli doonaan waaxda socdaalka si ay u beddelaan saraakiisha la shaqooyinka laga eryay.

Sidoo kal wasiirrka arrimaha gudaha ayaa sheegay in dowladda Kenya bilaabeyso baaritaanno iyo dib u eegis lagu sameynayo waraaqaha aqoonsiga iyo baasaboorrada la bixiyay labadii sanno ee lasoo dhaafay, si loo hubiyo in si sax ah loo bixiyay iyo in kale.

Dalka Kenya ayaa waxaa sannadihii lasoo dhaafay laga bixinayay sharciyo ay dadku baasaboorrada dalkaas ku dalban karaan, iyadoo la sheegay in dadka qaadanaya ay bixiyaan lacago kumannaan kun oo doollar ah.

Kenya waxaa soo food saartay fadeexad weyn oo ka dhalatay weerarkii bishii September kooxda ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen dhismaha ganacsiga Westgate oo mudo afar cisho ah ay gacanta ku hayeen, waxaana ku dhintay weerarkaa 67 ruux halka in ka badan 200 oo ruuxna ay ku dhaawacmeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com