Warar Kooban Oo Horudhac Ah: Dagaalka Ka Socda Magaalada Baledxaawo.

0

Breaking_NewsBaledxaawo (AGGM): Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Baledxaawo ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in ay rasaasta hadda yara qaboobday loona dareeray salaadi Jimco.

Warka ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dhimashada dhanka maleeshiyada Doolow ay tahay 2 nin balse lama oga dhaawaca, halka aan la ogeeyn inta ka dhimatay ama ka dhawacantay Maamulka Ahlusunna Waljamaaca, labada dhinac ee dagaalamaya ayaa weli waxa ay ku kala sugan yihiin halkii ay xabadu ka bilaabatay.

Dhinaca kale waxaa jira laba ruux oo rayid ah oo ku dhimatay dagaalkan u dhexeeya Ahlusunna Waljamaaca iyo maleeshiyada taageersan gudoomiyaha degmada Doolow.

Ilaa hadda ma ay jiraan wax war ah oo kasoo baxaya labada dhinac ee ku dagaalamaya magaalada Baledxaawo ee gobolka Gedo.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com