Xog Xasaasi Ah: Tiro Afartan Ruux Ka Badan Oo Ka Tagay Dalka Ingriiska Oo Ku Biiray Falaagada Al-Shabaab Ayaa La Helay.

0

al-shabaab-2London (AGGM): Sida ay soo bandhigtay idaacada BBC-da laanteeda afka Soomaaliga, waxaa la helay magacyada 47 qofood oo ka tegay dalka ingiriiska kuna biiray kooxda Al-Shabaab ee Somalia iyo geeska Africa ka dagaalantan.

Inta badan dadka ku jira liiskan waxa ay u safreen Soomaaliya si ay uga dagaallamaan ama ay isku dayeen sidaasi inay sameeyaan.

Al-Shabaab oo fadhigeedu yahay Soomaaliya, ayaa waxa ay masuul ka ahayd weerarkii Westgate ee dalka deriska la ah ee Kenya.

Qareenada qoyska mid ka mid ah dadka British-ka ah ee al-Shabaab ay qorteen oo la ogyahay inuu ku dhintay Soomaaliya, ayaa hadda baaraya sida uu u dhintay.

47 magac oo BBC ay isku duwday ayaa waxa laga soo aruuriyay, maxkamadaha UK iyo dibedda iyo weliba cilmi-baaris xog-ogaal ahg.

Magacyadu ma ahan dhammaan liiska dadka ka tagay UK ee looga shakiyay inay gobolka aadeen si ay ugu dagaallamaan.

Cilmi-baaristu waxay sheegtay in ugu yaraan 32 ka mid ah dadkan ayaa la aaminsan yahay inay u baxeen inay dagaallamaan

Toddobo kale ayaa lagu sheegay maxkamaddaha UK in ay isku dayeen inay galaan Soomaaliya, laakiin qorshahoodi markii la ogaaday laga hor istaagay.

Qaar kale waxaa lagu eedeeyay ama lagu helay inay lacag u uruurinayeen al-Shabaab, ama ay fududeynayeen safarada kuwa kale.

Inta badan shaqsiyaadkaasi waxa ay ku dambeeyeen lama oga – laakiin afar waa la hubaa inay dhinteen.

Waxaa ku jira Tufail Axmed, oo ahaa Bangladeshi asalkiisa, oo ku soo koray xaafadda Stepney Green ee bariga magaalada London.

BBC waxay oggaatay in booliiska iyo Xafiiska Arrimaha Dibedda ay ku khabaar geliyeen qoyskiisa inuu ku dhintay Soomaaliya bishii November 2012.

Qoyska ayaa waxay ka dalbadeen hey’adda samafalka ee Reprieve in baaritaan lagu sameey wararka sheegaya in militeri reer Galbeed ay ku lug lahaayeen dilkiisa.

Muuqaal video ah, oo al-Shabaab ay soo saareen ayaa lagu sheegay in Tufail uu ku dhintay weerar ay qaadeen ciidamo Mareykan iyo British ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee UK ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com