R/wasaare Saacid Oo Cambaareeyay Weerarki Lagu Dhaawacay Wariye Maxamed Maxamuud Timacadde.

0

Saacid-1Muqdisho (AGGM): Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si kulul u cambaareeyey beegsiga lagu hayo howlwadeenada warbaahinta Soomaaliya, iyadoo sanadkan la dilay ilaa afar suxufi oo ka howl galayay qeybaha warbaahinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhaawaca ay maanta kooxo hubeysani u geysteen wariye ka howlgala TV-ga Universal Maxamed Maxamuud Timacadde, waxaana uu ku tilmaamay falkan mid ka baxsan bani’aadannimada isagoo caafimaad deg deg ah u rajeeyay wariyaha la dhaawacay.

Xukuumada Soomaaliya ayaa horay u balan qaaday 50-kun doolar cidii soo sheegta ama wax ka abaabushay dilalkii Suxufiyiintii loo geystay.

Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo saaka booqday dhaawaca wariye Timacade oo la dhigay isbitaalka Madiino ayaa sheegay in falalka noocan oo kale ah ay yihiin kuwo la doonayo in sawir khaldan looga bixiyo amniga ka jira dalka.

Mr Ridwaan ayaa sheegay inay kooxo nabad diid ah iyo kuwo qaswadayaal ah ay mar kasta doonayaan inay aamusiyaan warbaahinta xorta ah ee dalka, isagoo cadeeyay in dowladda la xisaabtami doonto dhaqar qabayaasha geysanaya dilalkan.

Bil ka hor ayay aheyd markii farsamayaqaan u shaqeeyay warbaahinta dowladda ee Radio Muqdisho la dilay, markii ciidamada Amniga ay toogteen nin horay u dilay Wariye ka howl galayay Idaacadaha Muqdisho oo Maxkamada ciidamada qalabka sida ay dil ku xukuntay.

Isha Ku Hay Allgalgduud Media
allgalgaduud@gmail.com