C/kariin Xuseen Guuleed ” Shirka Nabada Jubboyinka waxaa Muqdisho Lagu Qabanayaa 2da Bisha November.

0

cabdikariim xaajiMuqdisho (AGGM): Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee Dalka mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga ee Soomaaliya C/raxmaan Dheere oo shalay gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaaladda Muqdisho.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka soomaaliya mudane C/shakuuur Cali Mire.

Mudane C/Kariin Xuseen Guuleed wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Soomaaliya oo warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee aadan Cadde ayaa faah faahin ka bixiyay safarkii uu kismaayo ku tagay iyo kulamo uu la soo qaatay maamulka kmg ah ee jubba, isagoo sheegay in ay isla garteen mas’uuliyiintii uu kula soo kulmay Kismaayo in magaalada la keeno Ciidamada ku sugan banaanka magaaladaasi, iyo in la dhaqan galiyo Hishiiskii Adis Ababa, islamarkaana ay ka soo qeyb galaan shirka la filayo in Muqdisho dowladda ay ku qabato.

“Runtii waxaa na dhex maray annaga iyo maamulka Jubba wada hadalo aad u wanaagsan,waxaan ka wada hadalnay sidii ciidamada jooga magaalada banaankeeda dib loogu soo celin lahaa gudaha magaalada,iyo sidii loo qaban lahaa shirweynihii dib u heshiisiinta,waxaana isku afgaranay in 2da bisha November ee sanadkan uu shirweynuhu ka furmo magaalada muqdisho ayna ka soo qeyb galaan dhammaan dhinacyada uu quseeyo,ka dibna lagu dhameystiro magaalada kismaayo”Ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com