Daawo Sawirada: Qaar Kamid Ah Dadki Ku Dhaawacmay Qaraxi Shalay Ka Dhacay Magaalada Baledweyne Oo Muqdisho La Keenay.

0

dhawacMuqdisho (AGGM): Dadkii ku dhaawacmay qaraxii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyn ayaa maanta la keenay magaalada Muqdisho, kadib diyaarad ay u dirtay dowladda Soomaaliya.

Dhaawacyadan oo gaarayay ilaa 14-ruux ayaa waxay yihiin kuwo dhaawacooda aad u liita, waxaana laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

Isbitaalka Ciidamada AMISOM ee ku yaala Xerada Xalane ayaa la dhigay dhaawacyada, halkaasoo lagu daweyn doono.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo beryahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa la socday diyaarada dowladda u dirtay Beledweyn, kana soo qaaday dhaawacyada.

Saddex ka mid ah dhaawacyada ayaa la sheegay inay xalay iyo saakay ku dhinteen Isbitaal ay leeyihiin Ciidamada Jabuuti, iyadoo tirada dadka ku dhintay qaraxii shalay ay ka dhigtay ilaa 17-ruux.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay hey’adaha dowladda inay u gurmadaan dadka ku dhaawacmay qaraxii Beledweyn, si deg deg wax loogu qabto.

Qaraxii Ismiidaaminta ee shalay ka dhacay Beledweyn ayaa ahaa kii labaad oo magaalada ka dhaca tan iyo markii Al-Shabaab laga saaray.
dhawac

dhawac2
dhawac1
dhawac3
dhawac5
dhawac7

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media  
allgalgaduud@gmail.com