Ahlusunna Waljamaaca Oo Cambaaraysay Qaraxii Magaalada Beledweyne.

0

ahlusunnaMuqdisho (AGGM): Maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe ayaa cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Weerarka oo ay sheegatay al-Shabaab, isla markaana lala eegtay dad ku sugnaa maqaayad ku taalla afaafka hore ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku dhintay 16 qof, 26 kalena wey ku dhaawacmeen.

Guddoomiyaha saddexda gole ee maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye ayaa sheegay in shacabka laga doonayo inay ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro al-Shabaab, si meesha looga saaro dhibaatada ay ku heyso bulshada.

Wuxuu tilmaamay in Ahlu Sunna ay sii wadi doonto dagaalka al-Shabaab, isagoo ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee magaalada Beledweyne ku ammaanay dadaallada nabadda ee ay ka wadaan gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa xusay in al-Shabaab ay tahay koox jabtay oo u soo jeesatay dhibaateynta shacabka, sidaa dareted loo baahan yahay in layska kaashado sidii loo ciribtiri lahaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media  
allgalgaduud@gmail.com