Gen. Saacid “Waxaan Wadnaa Barnaamij Lagu Mataaneenayo Shacabka Iyo Ciidamada Booliska”.

0

Jeneraal sacidMuqdisho (AGGM): Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya General C/xakiin Daahir Saciid “Saacid” oo ka hadlay qorshaha ciidamada Booliska ee sugida amniga dalka ayaa sheegay in Isbuucyada soo socda saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska ay tagi doonaan qaar kamid ah gobolada dalka si loo xoojiyo ammaanka goobaha ay gacanta ku heyso dowlada federaalka.

General Saacid ayaa tilmaamay in Taliska Booliska uu joogteyn doono Barnaamij lagu mataaneynayo Shacabka iyo Ciidamada Booliska, waxa uu sheegay Taliyaha in mataaneynta labada dhinac ay ka dhigeyso in ay siwadajir ah uga wada shaqeeyaan amniga dalka, isagoona xusay in wadashaqeyn laga waayo shacabka ay keeneyso hoos u dhac ku yimaada ammaanka dalka.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa isku dayaya in uu soo celiyo kalsoonidii wada shaqeyntii ka dhaxeysay Shacabka iyo Ciidamada Booliska, oo Soomaaliya laga waayay wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee dalka 1991-kii.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com