Faah Faahin Dheeri Ah Oo Laga Helay Sida Loo Shirqoolay Tiiceey Iyo Af-weyne.

0

Tiicey-iyo-AfweyneBrussels (AGGM): Belgium ayaa Isniintii xirtay Maskaxda iyo maalgeliyaha Burcadbadeeda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xasan oo loo yaqaan “Afweyne” iyo Madaxweynihii hore ee Maamulka Ximan iyo Xeeb, waxaana Warkaas kasoo baxaya Faah-faahin.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Ximan iyo Xeeb Max’ed Aadan Tiiceey iyo Hogaamiyihii Burcad-Badeeda Max’ed Cabdi Xasan Afweyne ayaa Shalay lasoo taagay Maxkamad ku taala magaalada Brussels ee Dalka Biljam.

Afweyne iyo Tiiceey ayaa lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee  magaalada  Brussels, ayagoo lagu eedeynayo in ay Maalgaliyeen, Malaayiinah ka sameeyay Koox Burcad ah oo dhawr Markab afduubtay.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda lasoo taagay Labdaan Nin, Johan Delmulle ayaa Faahfaahin ka bixiyay Shalay Qaabka loosoo shirqoolay Labadaan Nin, wuxuuna sheegay in muddo dhowr bilood ah ay Sirdoonka Bilgim xiriir wada hadal ah la lahaayeen Afweyne iyagoo usii maray Max’ed Adan Tiiceey oo heysta Baasaboorka wadanka Maraykanka.

Delmulle wuxuu sheegay in Sirdoonka Biljam ay wada hadal la fureen Tiiceey iyagoo ka dhaadhiciyay inay u baahan yihiin inay Jilaan Filim looga hadlayo qaabka ay u shaqeeyaan Burcad-badeeda Soomaalida, waxayna ka codsadeen inuu ula hadlo Afweyne oo bishii Janaayo ka tanaasulay Shaqadii Burcad-badeednimada.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa kadib ka dhaadhiciyay Afweyne inuu ka faa’iideysto “Shaqadaan cusub” uuna la Taliye ka noqdo filimkaas, Xeer ilaaliyuhu wuxu sheegay in howsha lagu soo qabtay Labada Nin ay ka dhalatay, guul laga gaaray laba nin oo lagu xukumay Maxkamad ku taala Biljimka kuwaasoo ka dambeeyay afduub loo geystay markab laga leeyahay Biljam. Labada nin ee la xukumay ayaa bixiy xog lagu kalsoon yahay oo lagu maxkamadeyn karo labada nin ee hada la xiray, waxaana la filayaa in labadaas nin ay ku marqaati furan Tiiceey iyo Afweyne.

Xiriiro aan la sameynay Rag ka agdhowaa Afweyne iyo Tiiceey ayaa noo sheegay in magaalada Muqdisho ay Laba Bilood ka hor yimaadeen Niman u dhashay Biljimka oo sheegay inay yihiin Shirkad dooneysa inay jilaan Filim ka sheekeynaya Nolasha burcad-badeeda Soomaaliyeed.

Nimankan ayaa la kulmay Afweyne waxayna Gacanta ka saareen Lacag tiradeeda lagu sheegay $500,000 (Shan Boqol oo Kun oo Dollar), iyagoo u sheegay inuu bilaabo aruurinta xogaha qaabka ay u howlgali jireen Burcad Badeedii uu ka ruqseystay, waxayna ku wargaliyeen in marka uu howshaas diyaariyo uu lasoo xiriiro si ay Viisaha Dal ku galka Biljim ugu soo diraan magaalada Nairobi.

Nimanka Biljimka ah oo sida hada soo baxday ahaa Sirdoonka wadankaas, waxay u balan qaadeen Afweyne in marka filimkaas la duubo ay siin doonaan $3 Milyan oo Dollar, heshiiskana ay ku kala saxiixan doonaan Wadanka Biljam marka uu yimaado. Xogtaan aanu ka helnay Ragga ku dhaw Labada Mas’uul ee la xiray ayaa noo sheegay in Afweyne markaas kadib uu u yeertay Tiiceey oo uu ka dalbaday inuu u raaco Biljim si uu ula ogaado heshiiska uu la saxiixanayo Nimanka “Filim-sameeyayaasha ah”.

Max’ed Cabdi Xasan Afweyne ayaa Nilihii u dambeeyay ka shaqeynayay sidii uu ugu shaqeysan lahaa kala dirista Burcad-Badeeda wuxuna Bil walba masruufayay Dhalinyaro gaareysa 100 oo uu kasoo saaray Burcad-Badeeda, waxaana soo ifbaxaya inuu Bil walba ka heli jiray Hay’addo dibada ah oo wax ka shirqoolay Lacag gaaraysa $ 8.000 oo Dollar, Afweyne ayaa Bil ka hor ka eed-sheegtay Madaxweyne Xasan Shiikh Max’ud oo uu ku eedeeyay inuu ka reebay Shirkii Burcad-Badeeda ka dhacay Dubai.

Afweyne ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh u sheegay inuu Gacanta ku hayo burcad-badeed hore oo gaareysa 100 Qof, aysana munaasib aheyn in laga reebo shirkii Dubai. Mudane Afweyne ayaa sanadkii hore ka baxsaday booliska Maleeshiya oo isku dayay inay qabtaan kadib markii magaciisu uu kasoo booday kombiyuutarka Garoonka diyaaradaha Kuala Lambur, wuxuuse ku fakaday isagoo watay Baasaboorka gaduudan ee Dimlomaasiyiinta Soomaaliya oo uu siiyay Madaxweyne Shiikh Shariif.

Max’ed Cabdi Xasan Afweyne iyo Max’ed Adan Tiiceey ayaa lagu soo oogi doona Dacwad baahsan oo quseysa Shabakada Burcad-Badeeda Soomaalida oo lagu qiisay inay Madax-furasho u qaateen aduun gaaraya $160 Milyan oo Dollar, haddii lagu cadeeya dambigaasna waxay mutaysan doonaan xabsi u dhexeeya 30 Sanno ilaa xabsi-daa’in.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com