Ciidamada Xooga Dalka Oo La Wareegay Gacan Ku Heynta Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Bakool.

0

dagaalBaydhabo (AGGM): Ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Bakool, ayaa lagu waramayaa in ay saakay waabarigii howl-gallo ka sameeyey qaar ka tirsan demooyinka gobolka Bakool ayeey kula wareegeen deegaanno ay horay u maamuli jireen xoogagga Al-shaabaab.

Saraakiisha gobolka Bakool ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ay saakay weerareen deedaanno hoostaga magaalada Xudur ee xarunta gobolkaas. wuxuuna tilmaamay inay ku guulaysteen howlgalkii ay ciidamadu ka fuliyeen deegaanadaas.

Guddoomiyaha gobolka Bakool Max’ed Cabdi Tool ayaa ka dhawaajiyay in ay burburiyeen saldhig ay lahaayeen ciidamada ururka Alshabaab,wuxuuna sheegay inuu saldhigaasi ku yaalay deegaanka Qayd Cadde oo 18KM kaga beegay dhanka koonfureed  degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Waxaa uu intaa ku darray guddoomiyaha ina yy weerarka ay ku qaadeen saldhigyo ay lahaayeen ciidamada ururka Alshabaab ay ku dileen qaar ka tirsan ciidankooda, isagoo xusay in dhanka ciidanka dowladda uusan soo gaarin qasaare sidaas usii wayn.

Howl-galada ay ku baacsaanayaan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya malayshiyaadka ururka Alshabaab  ayaa mudooyinkii dhambe kusoo badanayay goblada dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com