Itoobiya Oo Warbixin Horudhac Ka Soo Saartey Qarixii Addis Ababa Ka Dhacay

0

131013114558_ethiopia_nigeria_304x171_getty_nocreditAddis Ababa(AGGM)Ciidamada nabadgelyada iyo kuwa sirdoonka ee dalka Itoobiya ayaa haatan waxrbixin hordhac ah ka soo saaray qaraxii ka dhacay maalintii Axaddii guri ku yaalley xaafadda Bole ee magaalada Addis Ababa.

Warbixintaasi waxay ku tilmaantay labadii qof ee ku dhintay qaraxaasi inay ahaayeen qaxooti sharcidarro ku soo galay dalka Itoobiya oo Soomaali ahaa. Waxayna maleegayeen waxyaabaha qarxa oo la isku miidaamiyo oo ay ku sii diyaargaraynayeen gurigaasi, ka dibna iyaga ku qarxay.

Waxayna warbixintani hordhaca ahi intaasi ku dartay inay doonayeen nimankaasi inay isku qarxiyaan goob dadweyne aad u fara badani iskugu imanayey, oo lagu daawanayey ciyaartii kubadda cagta ee isreebreebka Afrika, ee ay iskaga horimanayeen maalintaasi dalalka Itoobiya iyo Nigeria. Waxana dadweynahaasi ay kala socdeen shaashado waaweyn oo loogu talogalay, looguna sii xidhay fagaarayaal lagala socdo.

Wasiirka warfaafinta ee Itoobiya, Redwan Hussein ayaa sheegay in goobtii qaraxaasi ka dhacay laga helay qalabka qarxa ee ay xidhaan dadka ismiidaaminaya, bastoolad iyo rasaas, iyo medykii labada qof ee rabay inay isqarxiyaan. Goobtaasi oo ku taal xaafadda Bole waxay dhawr kilometer oo keiya u jirta garoonka weyn ee ciyaaraha.

Dawladda Itoobiya waxay sheegatay in baadhitaankii uu weli socdo, laakiin ilaa hadda inta la og yahay, qof ka mid ah labadaasi nin ayaa dhawr iyo labaatan cisho ka hor kiraystay guriga haatan qaraxani ka dhacay, ninkan kalena waxa uu ku soo biiray saacado ka hor.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaaso ay iyagu ka danbeeyeen, sababta ay u qaadeenna ay tahay ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya. Itoobiya waxay sannado badan ka mid ahayd dalalka safka hore ee ururrada xagjirka ah kula dagaallama Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com