Dowladda Mareykanka Oo Soomaalida Ugu Hambalyeeysey Munaasabadda Ciidda.

0

James-P.-McAnulty-150x150Muqdisho (AGGM): Ergeyga gaarka ah ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda ciidda barakeysan ee Ciiddul Adxaa.

James P. McAnulty, wakiilka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Soomaalida u rajeeyey farxad, nabad iyo in ay helaan xasillooni buuxa oo dalkooda ka dhasha.

”Waxaan u rajeynayaa dhammaan Soomaalida meel walba oo ay joogaan ciid farxad leh, ciiddaa waxay na xusuusisaa muhiimadda wanaagga naf-hurnimada iyo mahad-naqa loo aaneeyo dadka Mareykanka iyo Soomaalidaba”, ayuu yiri James.

Danjiraha ayaa sheegay in dowladda Mareykanka iyo shacabkeedaba ay garab taagan  yihiin Soomaalida, siina wadi doonaan in ay caawiyaan .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com