Deegaannada Gobolka Sool Oo Si Isku Mid Ah Looga Ciiday.

0

laascaanoodLaascaanood (AGGM): Magaalooyinka Laascaanood, Buuhoodle, Xuddun iyo
Taleex ayaa maanta si isku mid ah looga ciiday maalinta koowaad ee Ciidul-Adxaa.

Dadka ku nool deegaannadan ayaa salaadda kaddib billaabay inay is booqdaan, oo ay isugu hambalyeeyaan munaasabadda ciidda, iyadoo la arkayay carruur loo xiray dhar qurux badan oo ku cayaaraysa qalabka carruurta.

Weriyaheena gobolka Sool ayaa ku soo warramaya in ciiddan ay ka duwaneyd ciidihii hore, marka laga eego gowraca udxiyada oo dadka badankood ay sameeyeen, taas oo ay ugu wacan tahay ariga oo raqiis ah, waxaana neefkii la iibinayay $50.

Guud ahaan gobollada dalka ayaa maanta si isku mid ah looga ciiday munaasabadda ciidul Adxa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com