Nin Hubeysan Oo Xaflad Aroos Ahayd Ku Laayay Dad.

0

bastooladGabiley (AGGM): Afar qof ayaa ku dhimatay, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen deegaan lagu magacaabo Ceel-xaddi oo ka tirsan degmada Gabiley, kaddib markii nin hubaysani uu caweysinkii xalay rasaas oodda uga qaaday dad isugu yimid xaflad aroos.

Ninka geystay shilka oo lagu magacaabo Gahayr Xasan Muuddeey ayaa la dhashay wiilka loo dhigayay xafladda arooska, waxayna wararku sheegayaan in uu maskaxda ka jirran yahay.

Booliska deegaanka Ceel-xaddi ayaa isla xalay gacanta ku dhigay gacanku dhiiglaha, waxaana lagu hayaa saldhig boolis oo ku yaalla deegaankaasi.

Lammaanaha loo xafladaynayay ayaa lagu soo warramayaa in ay ka badbaadeen weerarkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com