Maamulka Degmada Balanbal Oo Billaabay Howlgal Lagula Dagaallamayo Jaridda Dhirta.

0

top-newsBalanballe (AGGM): Maamulka dowladda ee degmada Ballanbal ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in uu billaabay howlgal lagula dagaallamayo jaridda dhirta la doonayo in laga dhigo dhuxusha.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Ballanbal, Maxamuud Maxamed Cabdi (Istuuraaye) ayaa u sheegay Warbaahinta inay hadda gacanta ku hayaan labo gaari oo xammuul ah oo ay ku raran tahay dhuxul iyo dadkii watay, si looga qaado tallaabada ku habboon.

Istuuraaye ayaa intaas ku daray in dad jaraya dhirta si ay uga dhigaan dhuxul, ay deegaanka ku hayaan dhibaato sababi karta xaaluf iyo nabaad guur.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa ka codsaday dadweynaha inay maamulka kala shaqeeyaan sidii looga hor-tagi lahaa xaalufinta deegaanka.

Deegaanno badan oo dalka ka tirsan ayaa laga wadaa olole lagula dagaallamayo dhuxusha oo ay ka qeyb qaadanayaan dadweynaha deegaannadaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com