Dhageyso:Damiir Laawe Raadeer Oo Mudo Ka Dib Hadlay (Sawiro)

0

raadeerKismaayo(AGGM) Yaasiin Nuur Gaas ( Yaasiin Raadeer) Oo Dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Kismaayo ku waayey Ishisa Midig isla markaasna Mudo aan saxafada ka soo dhex muuqan ayaa maanta afka furtey isla markaasna ka hadlay arrimaha jubooyinka isagoo ilaa iyo hadda ku sugan xero ciidamada Amisom ku leeyihiin Magaalada Kismaayo.

Col Raadeer oo ka mid ah Caado Qaatayaasha u adeegga Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa maanta sheegay inuu wali ka tirsan Yahay kooxaha u adeega Axmed Madoobe,waxaana uu sheegay inuu tageersan yahay in Shirka dawladu ku baaqday lagu qabto Magaalada Kismaayo isla markaasna aysan macquul ahayn in lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Yaasiin Nuur Gaas ( Raadeer) waxaa uu mudo ku sugan yahay Xeryaha Ciidamada Siraliyoon ee ku yaala Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ka dib markii uu naftiisa kala baqay Maleeshiyaadka Raaskambooni oo u hanjabay dhawr jeer,waxaana  uu ku guuleystey in Ciidamada Amisom iyo kiiniya dib ugu soo celiyaan ciidamo ka tirsanaa kuwii dawlada oo ku xabisanaa Garoonka diyaaradaha ka dib markii dagaaladu kismaayo ka dhaceen.

Caado Qaate Yaasiin Raadeer &  Damiir Laawe Fartaag ayaa la sheegay inay ku doodeen inaysan kismaayo sii joogin karin isla markaasna amaankoodu uusan sugneyn iyagoo ku dooday in ciidamadoodi Dawlada oo tiradoodu ahayd 200 askari dib loo siiyo hubkoodi isla markaasna ay ku biiraan kuwa raaskambooni si ay amaankooda u ilaaliyaan maadama ay beeshooda ka soo jeedaan.

Caado Qaate Raadeer & Fartaag waxay hadda Aaminsan yihiin in amaankoodu isku haleyn leeyahay isla markaasna ay haystaan ciidan hubeysan oo difaaci kara,waxaana la sheegayaa in saraakisha Ciidamada Kiiniya ku wargeliyeen inaysan ka hor imaan Horjoogaha Raaskambooni isla markaasna ay shirka xamar si isku mid ah uga soo horjeestaan.

Caado Qaate Raadeer waxaa muddo laga waayey saxada saxafada & siyaasada Jubooyinka,waxaana uu maanta noqday nin afkiisa furtey ka dib dagaaladii indhihiisa uu ku waayey,waxaana uu eedeyn u jeediyey Maamulka Jubbaland ee hadda ku sugan duleedka Magaalada Kismaayo isagoo ku tilmaamay Fidmo wadayaal isla markaasna iska iibinaya kooxaha tageera ONLF & Ururka Argagixisiada ah ee Raaskambooni.

Ugu dambeyntii Yaasiin Raadeer Mudo 20 Maalmood ah Magaalada Kismaayo cag ma soo dhigin isla markaasna waxaa uu ku sugan yahay Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo gaar ahaan qaybta ciidamada Siraliyoon,waxaana uu halkaas la joogaa ciidamo badan oo kuwii dawlada ka tirsan kuwaasi oo aan la ogaan mawqifkooda dhabta ah isla markaasna aan wali wax ciidan kale ah lagu dhex darin.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/10/Waraysi-Col-Yaasiin-Nuur-Gaas-Raadeer.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

raadeer

raadeer1-640x480xusseenradeer1