Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga Oo Kor Loo Qaaday Hawlgalkooda

0

Italian_MarinesRoma(AGGM) Dowladda Talyaaniga ayaa Axaddii shalay in ay kor u qaadi doonto ilaalada gaarka ah ee xeebaha dalkeeda xilli ay isa soo tarayaan muhaarijiinta naftooda ku soo biimeynaysa xeebaha dalkaasi, iyadoo maraakiibta badda iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca la geliyay feejignaan ku aadan sidii loola tacaali lahaa dad afrikaanka ah ee ku soo qul qulaya xeebaha dalkaasi.

Raisalwasaaraha Talyaaniga Enrico Letta ayaa tilmaamay in Maraakiibta Badda iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ay maanta oo isniin ah bilaabi doonaan howlgallo lagu baadi goobayo dadka ay doonidooda kula degtay xeebaha dalkaasi.

Sidoo kale wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Talyaaniga Mario Moauro ayaa xusay in muhaajiriintaasi markii ay soo gaareen xeebaha dalka Talyaaniga ay bilaabeen in ay qeylo dhaan afka furtaan, isagoo intaa ku daray in haatan ay wadaan qorshayaasha ku aadan sidii dadka weli la la’yahay loo badbaadin lahaa.

Tan iyo sanadkii 2011-ka markii meesha laga saaray hogaamiyihii Libiya ee Qadafi waxaa isa soo tarayay maleeshiyaad hubeysan oo dhibaato u geysanaya dadka ka tahriibaya xeebaha Libiya ee doonaya in xeebaha dalkaasi uga sii talaabaan dhanka Talyaaniga.

Ugu dambeyntii Sanadkan ayaa dad lagu qiyaasay 32.000 waxa ay gaareen jasiirada Malta iyo jasiirada Lampedusa si ay u galaan wadamada Yurub.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com