Midawga Afrika Oo Dalbaday In La Kordhiyo Ciidamada Amisom Laguna Darro 6 Kun Oo Kale

0

SHABK4Muqdisho(AGGM)Midowga Afrika ayaa sheegay shalay oo jimco aheyd inay Ciidamada AMISOM eek u sugan soomaaliya ku kodhinayaan ciidamo ka badan 6 kun oo askari ooh or leh ,sibay yiraahdeen ay uga qeybqaataan dedaalka loogu jiro xasilinta nabad ka dhalata soomaaliya golah amniga iyo nabagelyada Midowga Afrika ayaa mab da’iyan go,aamiyey in ciidamada AMISOM ee ka howlgala dalka soomaaliya lagu kordhiyo ciidamo gaaraya 6235 askari oo cusub si tirade guud ee ciidamada AMISOM loo gaarsiiyo 23,966 askari, waxaana qaraarkaasi loo gubiyey golaha ammaanka ee qaramada midoobay si uu u meelmariyo ama u ogolaado.

Midowga afrika ayaa waxaa hadda ka jooga dalka soomaaliya ciidamo gaaraya 17 kun oo askari iyo boqolaal,kuwaas oo taageero siyyo dowladda soomaaliya oo dagaal kula jirta ciidamada xarakada Al-shabaab oo qeybo badan ka mid ah gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya maamusha.waxaana ciidamada AMISOM u badan dalalka Ugandha ,Burundi iyo Kenya.

Horey ayey midowga afrika kulan ay ku yeesheen Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya wax ay si deg deg ah u dalbadeen in Dalka Soomaaliya loo diro 20 Kun oo Askari oo ka qeyb gala Nabad Ilaalinta Dalka Soomaaliya dhanka kalena xoojiya Ciidamada Amisom ee ku sugan Muqdisho,hase ahaatee taasi ma suurto gelin,lamana oga halka ay ka imaanayaan ciidamada dheeraadka ah ee ka badan 6 –da kun ee askari ee cusub kuwaas oo la go,aamiyey in soomaaliya la geeyo.

Ugu dambeyntii Midowga Afrika si cad uma uusan qeexin xiliga ay ciidamadaa diyaarka noqon doonaan iyo wakhtiga ay Soomaaliya ka howl galin doonaan intaba ,waxaana xusid mudan in Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya aysan la heyn waqti go,an oo ay dalka joogayaan,iyadoo ay hadda siimarayaan 7 sano.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com