Madaxweynaha Soomaaliya Oo Caawa Kulan La Qaatay Raisalwasaraha Itoobiya (Sawiro)

0

IMG_4618Addis Ababa(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, isla markaana ah Guddoomiyaha Madaxda Midowga Afrika ee xilligan. Kulankan ayaa dhacay caawa fiidkii ka dib markii la soo gabogabeeyey kulankii Madaxweynayaasha Midowga Afrika.

Madaxweyne Xasan iyo RW Desalegn ayaa waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal, arrimaha amniga, ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya ku sugan, arrimaha IGAD iyo sdii dalalka Geeska Afrika ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah ee Al-Shabaab iyo Al-Qaeda.

Labada mas’uul ayaa leh xiriir aad iyo aad u sarreeya oo muddadii sanadka aheyd ee labada mas’uulba ay xilka hayeen uu xiriirkoodu ahaa mid joogta ah, kaas oo sii kordhiyey cilaaqaadka labada dal. Madaxweyne Xasan ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Desalegn dadaalkiisa ee dhanka Midowga Afrika iyo kan dowladda Ethiopia ee ku wajahan soo celinta nabadda iyo amniga dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegey inuu ku kalsoonyahay in Soomaaliya ay tallaabsatay oo dhanka horumarka ay tiigsatay, isla markaana uu sheegey inay diyaar u tahay inay caalamka wax la qabsato, oo sharaftii iyo karaamadii shacabka Soomaaliyeed dib loo soo celiyo. Madaxweynahu waxuu sheegay in Soomaaliya ay ahaan jirtey dalka ugu nabadda wanaagsan caalamka, isla markaana ay taageertay dalal badan oo Afrikaan ah, haddana ay soo muuqaneyso ifafaalihii nabadda ee dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa ugu mahadceliyey RW Desalegn sidii sharafta leheyd ee loogu soo dhoweeyey Addis Ababa iyo sida uu ugu faraxsanyahay in Soomaaliya iyo Ethiopia ay caalamka kaalin fiican ka qaadan doonaan.

—DHAMAAD– –

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

IMG_4618IMG_4620IMG_4624IMG_4628