Wararki Ugu Dambeeyay Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

top-newsKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in shalay gudaha magaalada Kismaayo maleeshiyada Raaskambooni ay weerar ku qaadeen guri ay daganaayeen rag lagu sheegay inay ka soo jeedeen Beesha Majeerteen.

Dagaalkaas oo socday mudo kooban ayaa waxa uu dhaliyay qasaaro isugu jirtay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray kooxihi dirirtu dhexmartay, Maleeshiyada Raaskambooni ayaa waxaa soo gaaray qasaaraha 1 dhimasho ah iyo 1 dhaawac ah, halka kooxdi kale ee ka soo jeeday beesha Majeerteena qasaaraha soo gaaray lagu sheegay oo kaliya laba nin oo dhaawac ah.

Ugu dambeeynti guriga weerarka lagu qaaday ayaa waxaa la wareegay gacan ku heeyntiisa marki ay gurmad heleen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Dhinaca kale maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa ay shlay weerar ku qaadeen suuqa sarifka magaalada Kismaayo halkaas oo ay ka dhaceen lacago sarifleyaal ka soo jeeday beesha Nuux Maxamuud (Galgale).

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in qilaaf ba’an uu u dhexeeyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni  qaas ahaan Beelaha Bartire, Cabdale, Jidwaaq iyo Abeesguul ayaa waxa ay maleeshiyadoodi kala baxeen maleeshiyada Raaskambooni kadib qilaaf u dhexeeya iyaga Reer Cabdille oo uu ka soo jeedo horjooge Axmed Madoobe.

Magaalada Kismaayo ayaa daraad waxaa booqasho aan horey loo shaacin ku tagay wafdi balaaran oo isugu jiray Taliyaha Ciidamada Kenya, Safiirka Itoobiya ee dalka Kenya iyo saraakiil Itoobiyaan ah, waxa ayna kulamo la qaateen Taliyeyaasha ciidamada Siiraliyoon, Kenya iyo qaar ka mid ah horjoogeyaasha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo marki dambe amar lagu siiyay in mudo sadex maalmood ah ay uga saaraan maleeshiyadooda gudaha magaalada Kismaayo iyo amaro kale oo aan ku habooneeyn in aanu shaacin waqtigan xaadirka ah, wafdigan ayaa waxa kale oo uu ku wargaliyay horjoogeyaasha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni inay sadex maalmood kadib ku soo laaban doonaan magaalada Kismaayo si ay ugu kuurgalaan waxa ka qabsoomay amarka ay siiyeen horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raastambooni.

Isku soo wada duuboo xaalada maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo Jiritaankooda ayaa maalinba maalinta ka dambeysa waxa ay sii galaysaa xaalad mugdi ah, iyadoo dadka ay ku macneeyeen arrintaas inay sabab u tahay cadaawada iyo colaada ay ka kasbadeen dadka deegaanka inay sabab u tahay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com